Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo laga sooxigtay xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka soomaaliyeed waxaa maanta shir shirk u yeelanaya qaar kamid ah odayaashii dhaqanka ee soo dhisay dowladda soomaaliya ee hadda shaqeysa gaar ahaan baarlamaanka hadda jira, waxaana sida warku sheegayo ay odayaashaasia kawada hadlayaan xiisadda siyaasadeed ee ka hadda ka dhextaagan baarlamaaka iyo madaxweynaha iyo weliba wasiiro ka tirsan dowladda soomaaliya.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in shirkaasi sidoo kale waxyaabo badan looga hadli doona sida dhismaha aqalkii sare ee dowladda oo aan ilaa hadda la dhisin, iyo sidoo kale sababta ilaa hadda loo guda geliwaaayey wax kabedelka dastuurka oo ilaa hadda aan waxba laga bedelin marka laga soo tago hal qaodob oo ahaa inuusan madaxweynuhu kala diri Karin baarlamaanka.
Shirkaan ayaan la ogeyn waxa uu ka badeli karo xaaladda hadda taagan, waxaase lagu wadaa marka uu dhamaado inuu inay odayaashaasia ka soo saaraan soojeedinno la xiriira qaabka ugu habboon ee xal loogu heli karo xiisadaha taagan inkastoo aan la ogeyn in dhinacyada ay arrintaasi khuseyso ay wada aqbalidoonana iyo in kale.
Dhinaca kale Wasiiro ka tirsan xukumadda Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii ay xildhibaanada ku kacsan Xasan Shiikh Maxamuud u dajin lahaayeen waxana jira kulamo lala qaatay xildhibaanada oo lagu qaboojinayo is-casilaada ay dalbadeen.
Sida warku sheegayo wasiiradaasi oo gooni gooni u qaabilay xildhibaano kala duwan ayaa xubnihii ay la kulmeen waxa ay ka codsadeen in xiisadda la damiyo lamana oga ilaa hadda inay xidhibaandaasi aqbaleen soo jeedinta uga timid wasiirada ka tirsan xukuumadda ,inkastoo suuqa shalay la soo geliyey in qaar kamid ah xildhibaanadii eedeynta u jeediyey madaxweynaha inay arrintaasi ka laabteen mana jirto cid si rasmi ah u xaqiijineysa arrintaasi.
130-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka soomaaliya ayaa todobaadkii hore madaxweynaha u soo jeediyay inuu is casilo ka dib markii ay sheegeen in dowladu ay ku fashilantay howlihii ay balan qaaday dhamaantood sida ay yiraahdeen.
Warkii.com