Qaban qaabada banaan bax ballaaran oo lagu taageerayo Madaxweynaha oo saaka ka socota Muqdisho

0
1017

BanaanbaxBaydhabo20131204_1Dibad bax ballaaran oo lagu taageerayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, loogana soo horjeedo baaqii Xildhibaanada ee ahaa inuu is casilo ayaa saaka ka dhici doona Garooka Kubada Cagta ee Conis Stadium,

Banaan baxan oo diyaar garowgiisa si aad ah looga dareemayay magaalada ayaa waxaa abaabulkiisa leh Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana uu yahay taageero siyaasadeed oo loogu muujinayo Madaxweynaha Soomaaliya.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray wadooyinka soo gala garoonka Stadium Conis, halkaasoo xalay ciidamo ay ku hoydeen sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo banaan baxan ballaaran ee looga soo horjeedo baaqii Xildhibaanada ee ahaa in Madaxweynuhu is casilo.

Dad fara badan oo sita calamo, sawirka madaxweynaha iyo boorar ay halku dhigyo kala duwan ku qoran yihiin ayaa ku qul qulaya Garoonka, sidoo kale waxaa dadka lagu geynayaa baabuur lagaga soo qaadayo degmooyinka fog fog.

Wararka ayaa sheegaya in banaan baxan ay ka qeyb qaadan doonaan kumanaan ruux, sida qorshuhu yahay, waana banaan bax ka duwan kuwii horay uga dhici jiray magaalada Muqdisho, marka loo eego diyara garowga labadii maalmood loogu jiray banaan baxan.

Banaan baxan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay soo qaban qaabiyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ee uu hogaamiyo Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, waxaa la filayaa in degmo walba uu hormuud u noqdo Gudoomiyaheeda.

Jowhar