Qaramada Midoobey oo ka digtay Abaarta Soomaaliya iyo xaalado nafaqdaro

0
930

UNFlagQaramada Midoobey ayaa ka digtay xaalad abaareed oo ku soo fool leh Soomaaliya, kadib markii la soo wariyay in boqolaal kun oo ruux inay u baahan yihiin gargaar deg ah.

Warbixin ay si wadajir ah u soo saareen Hey’adda Taxliilisa xaalada cuntaqada iyo nafaqa darada Soomaaliya ee (FSNAU), Hey’ada beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobey ee FAO iyo laata ka digta abaaraha (FEWS NET) ayaa lagu sheegay in ilaa 857 kun oo ruux ay u baahan yihiin inay helaan gar gaar deg deg ah.

Hey’adahan ayaa sheegay in dadkan ay u baahan yihiin gar gaar bani’aadanimo oo dhaqso ah, laga bilaabo bisha June ee sanadkan 2014, waxaana heerka nafaqa darada ay gaartay meel halis ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada miyiga ah ay ka jiraan biyo la’aan iyo xaalado nololeed oo aad u liidata, taasoo keeni karta abaar iyo macluul daran oo mar kale ku dhifata Soomaaliya.

Hey’adda FAO ayaa sheegtay in roobabkii xilliga guga ee bilaaban jiray dhamaadka bisha Marso ay dib u dhaceen, sidoo kalena ay bisha April aysan di’in wax roobab ah, iyadoo biyo la’aan daran ka jirto deegaanada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay kormeer la sameeyay intii u dhexeysay bishii November ee sanadkii 2013-ka iyo bishii janaayo ee sanadkan 2014-ka lagu ogaaday in qiyaastii 203,000 oo caruur ah oo ka yar 5 sano inay macluul hayso.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warbixinta in 51,000 oo ka mid ah caruurtaasi inay halis ad u sareyso ugu jiraan inay dhintaan.

Qeylo dhaan ayaa maalmihii la soo dhaafay ka imaaneysay deegaano badan oo ku yaal Gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, halkaasoo ay ka jirtay xaalado bani’aadanimo iyo biyo la’aan, iyadoo dad dhowr ah ay haraad u dhinteen.

 

Jowhar