Qarax baabuur oo ka dhacay Degmada Xamar weyne

0
1633

XamarWeyne20130819Guddoomiye ku-xigeenki hore amniga iyo siyaasadda ee degmada Xamar Jajab Faarax Daahir Jimcaale ayaa ka badbaaday qarax loogu soo xiray gaari uu watay, iyadoo qaraxaasi uu ka dhacay xaafada Via Roma ee degmada Xamar Weyne.

Guddoomiyaha Degmada Xamar weyne Mudane Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Faarax ay geeyeen Cisbitaalka Madiina halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladiisa, waxaana uu guddoomiyuhu intaa ku daray inaysan jirin cid kale oo wax ku noqotay qaraxa lala bartilmaameedsaday guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada Xamar Jajab.

Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadira ayaa xusay in qaraxa uu ahaa mid gaariga loogu soo xiray, isagoo intaa ku daray in xaaladda degmada ay iminka ku soo laabatay caadigeeda.

 

Radio Muqdisho