Qaraxani oo loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa lagula eegtay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Baay Cabdifataax ibraahim Geesay, ahna iminka Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga ee Maamulka 6 Gobolka.
Ugu yaraan 15 Ruux ayaa ku dhimatay, 25 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Gaari laga soo buuxiyay uu isku miidaamiyay Gaari Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga ee Maamulka 6 Gobolka ee Cabdifataax ibraahim Geesay.
Wasiir Cabdifataax ibraahim Geesay oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid Argagixiso hase ahaatee uusan wax khasaaro ah ka soo gaarin waxuuna ku eedeeyay Ururka Al Shabaab.
Ugu dambeyn, Xaalada ayaa iminka Deggan waxaana goobta soo gaaray Ciidamada Maamulka 6 Gobolk kuwaasi oo bilaabay howlgallo lagu sugayo amaanka Magaalada Iyadoona Xusid ay mudan tahay in Mas’uuliyada Weerarkan ay sheegteen Ururka Al Shabaab.
Shabelle