Qarax ka dhacay agagaarka City Palace Hotel

0
1009

Qarax20140102_1Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa caawa lagu weeraray hotel City Palace oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay in uu qaraxa ka dhacay agagaarka hoteelka, gaar ahaan waddada lagu magacaabo Seylaani ee degmada Shibbis.

Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo qaar ka tirsan ciidamada ilaalada u ah hoteelka, balse lama oga tirada rasmiga ah.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa gaaray goobta si ay u qaadaan dadka dhaawac ah.

Hotel City Palace ayaa waxaa deggan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, xildhibaanno, qurbojoog iyo odayaal dhaqameed.

Bar-kulan