Qarax xoogan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay agagaarka Xarunta Golaha shacabka, iyadoo rasaas culus oo u muuqata kuwo la is weydaarsanayo.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo laga maqlayay magaalada oo dhan.
Qaraxa weyn kadib ayaa la maqlay labo qarax oo kale, iyadoo rasaas culus, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo aan la xiriirnay ay sheegeen in qaraxa uu ka dhacay albaabka hore ee Baarlamaanka.
Wariyaha Jowhar.com ee muqdisho ayaa soo sheegaya in weerarkan uu ku wajahan yahay Xarunta Baarlamaanka oo ay shir ku leeyihiin Xildhibaanada.
Lama oga in kooxaha weeraray inay gudaha u galeen iyo in kale, hase ahaatee rasaas socota ku dhowaad toban daqiiqo ayaa laga maqlayaa hareeraha baarlamaanka.
Waxaa adag in la helo warar faah faahsan oo ku aadan weerarka lagu qaaday Xarunta Golaha shacabka.
Ciidamada AMISOM ee Ilaalada ka haya Xarunta Golaha shacabka iyo Ciidamo Boolis ah ayaa is rasaaseyn waxa ay dhex mareysaa kooxaha soo weeraray Xarunta Golaha shacabka.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya saddex bilood kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya 21-kii bishii Febraayo ee sanadkan.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.
Jowhar