Wufuud ka socota gudaha iyo dibadda ayaa ku sii qulqulaya magaalada Qardho si ay uga qeyb galaan caleemo-saarka boqorka 34aad ee beelaha daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo maalinta berri ah ka dhici doonto magaalada Qardho,
Sida uu ku soo warramayo wariye Cabdi Xasan Rooble, Magaalada Garowe waxaa gaaray odayaal dhaqan iyo masuuliyiinta maamullada dalka qaarkood oo ka kala yimid gobollada dalka, ayadoo sidoo kale ay gaareen dad ka yimid degaanka Soomaalida ee Ethiopia.
Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsanyahay Wafdigaani balaaran ee ka yimid gudaha iyo dibadda dalka si uga qeyb galaan caleemo-saarka boqorkaan. ‘’Aad baan u soo dhawaynaya isimada iyo dhaqanka, yiri Madaxwaynaha Puntland.
Sanadjii hore ayuu geeriyooday boqorkii beelaha Daarood, waxaana hadda la caleemo-saarayaa Boqorka 34-aad ee Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Radio Muqdisho