Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Qaranka

0
921

GeneralMaxamedSheekhXasanRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa si KMG ahaan waxaa uu xilkii Wasiirka Amniga Qaranka ee uu iska casilay C/kariin Xuseen Guuleed u magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Xilka Wasiirka Amniga Qaranka oo 24-kii bishan iska casilay C/kariin Guuleed ayaa tan iyo inta Ra’iisul Wasaaruhu ka soo magacaabayo xilkaas waxaa uu ku sime uga dhigay Maxamed Sheekh Xasan.

Wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxulow ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaruhu si ku sime ahaan u magacaabay Maxamed Sheekh Xasan.

Wararka ayaa sheegaya in kulan dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Maxamed Sheekh uu Ra’iisul Wasaaruhu go’aansaday inuu xilka Wasiirka Amniga uu sii haayo.

C/kariin Guuleed oo xilkan hayay 20-bilood ayaa is casilay saacado kadib markii la weeraray xarunta Baarlamaanka, iyadoo horay uu u wajahayay dhaliilo la xiriiray sida uu wax uga qaban waayay xalaada amni ee dalka.

Jowhar