Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Lagu Wado in uu Gaaro Magaalada Garoowe

0
917

Abdiweli20140501Ra’iisul’Wasaaraha Dalka Soomaliya Mudane C/Wali Sheekh Axmed ayaa la dhawrayaa in uu soo gaaro Puntland gaar ahaan Garoowe 7kan aynu ku guda jirto wuxuuna la kulmi doonaa Madaxda Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha iyo masuuliyiinta kale ee Dowladda.

waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga wada hadli doono ayeey wararku sheegayaan in ay noqon doonaan isu soo dhawaynta Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland oo hada xiriirkoodu uusan hagaagsanayn, iyo isla eegida Dastuurka Dalka oo Puntland ay horay u sheegtay in faragelin lagu sameeyey.

Imaanshaha Mudane C/wali waxay dad badan hadal hayaan in ay dawo u noqon doonto is faham dhexmara Puntland iyo Dowladda Soomaliya meeshana laga saaro Mugdiga u dhexeeya 2da dhinac loona raadiyo Midnimada Soomaliya.

Warkii