Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C.wali Sheekh Axmed Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa Hay’adda Nabadsugidda waxuu amar ku siiyay in ay qaadaan Isbaarooyin la sheegay in ay soo dhigteen Ciidamada Dowladda Duleedka Muqdisho gaar ahaan Degaanka Ceel-Cade.
C.wali Sheekh Axmed Maxamed, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amray Madaxda Hay’adda Nabadsugidda in ay talaabo cad ka qaadaan Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Isbaarooyin lagu dhibaateeyo Shacabka soo dhoobay Duleedka Muqdisho.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxuu imaanayaa ka gadaal markii la sheegay in Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Militariga ay Isbaarooyin kala duwan ay soo dhigteen Degaanka Ceel-Cade ee Duleedka Muqdisho.
Shabelle