Ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka soo horjeestay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxayaan, wuxuuna sheegay R/wasaaruhu in ciidamada Itoobiya ay joogayaan Soomaaliya inta Al-shabaab laga baabi’inayo, isagoo xusay in ka mid noqoshadooda AMISOM ay ku timid codsi kaga yimid dowladda federaalka Soomaaliya, haddana aysan aheyn in loogu abaalgudo ka baxa Soomaaliya.
Desalegn oo wareysi gaar ah siinay wareys ka soo baxa dlaka Itoobiya ayaa sheegay in ciidamadooda ay howlo wanaagsan ka qabteen Soomaliya tan iyo markii ay ku biireen AMISOM, wuxuuna yiri isagoo arrinkaasi ka hadlaya “Ciidamadeenu inay ka mid noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM waa codsi nooga yimid dowladda Soomaaliya, si aan uga taageerno dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab”.
Sidoo kale Ra’isul wasaaraha Itoobiya ayaa la weydiiyey xilliga ay Soomaaliya kala baxayaan ciidamadooda, isagoo ku jawaabay inaysan kala baxeyn inta Al-shabaab laga baabi’inayo, gobolkuna uu ka noqonayo nabad, isagoo yiri “Innagu waxaan sugeynaa inta Al-shabaab la wiiqayo, heshiiska aan kaga mid noqonay AMISOM wuxuu ku saabsan yahay in Al-shabaab la tirtiro, markaas ayaana laga yaabaa inaan soo afjarno howlgalkeena Soomaaliya”.
Hailemariam Desalegn ayaa sidoo kale sheegay in go’aankooda iyo siyaasaddoodu ay tahay inaysan ciidamadooda kala bixin Soomaaliya si kasta oo ay tahay inta Al-shabaab ay weli awood u leedahay inay weerarro geysato, wuxuuna hadalka R/wasaaraha Itoobiya uu imaanayaa iyadoo dhawaan uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in ciidamada Itoobiya uu howlgalkoodu ka duwanyahay kuwa kale ee AMISOM, ayna dalka joogayaan muddo kooban.
Warkii.com