R/Wasaraha Somaliya oo maanta Booqasho ku jooga magalada marka kulana la leh maamulka Sh/hoose

0
942

MarkaBeachRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed iyo xubno ka tirsan Wasiirada Soomaaliya iyo Saraakiil ciidan ayaa goordhaweyd waxa ay gaareen Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo aan horay loosii shaacin, ayaa waxaa Magaalada Marka kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose, C/qaadir Siidii, Guddoomiyaha Marka iyo Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga iyo Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan oo Magaaladaasi uga soo horeeyay.

Diyaarad Helicopter ah ayuu ku tagay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose, iyadoo aan la ogeyn sababta soo de-dejisay in Ra’iisul Wasaaraha uu safarkaan ku tago Marka.

Ammaanka Magaalada Marka ayaa siweyn loo adkeeyay waxaana wadooyinka dhan taagan ciidamo isugu jira kuwa Milateriga iyo ciidanka Amisom oo ammaanka Magaalada ilaalinaya.

Waxaa loo galbiyay Ra’iisul Wasaaaraha xarunta Degmada Marka, halkaasi oo la filayo inuu kulamo kala duwan kula qaato masuuliyiinta Maamulka Gobalka iyo Odayaasha dhaqanka.

Mudooyinkaan dambe Gobalka Shabeelaha hoose, waxaa ka dhacaye dilal qorsheysan oo badankooda salka ku haayo aanooyin qabiil, iyadoo ay xusid mudan tahay in Gobalka Shabeelaha hoose gaar ahaan deeganka Muuri Bishii aan soo dhaafnay lagu laayay dad gaaraya 5-ruux oo Masaajid ku jiray.

Warkii