Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia iyo IGAD oo qado sharaf u sameeyey wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka

0
988

Wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ee ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa waxaa maanta qado sharaf u sameeyey Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkan Ethiopia Danjire Axmed C/salaan Xaaji Aadan.

Qado sharaftan ayaa waxaa kasoo qeybgalay ka sokoow wafdiga Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabku hogaaminayo ee Xildhibaannada ah Danjiraha urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey,Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka dalkan Ethiopia iyo marti sharaf kale.

Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalkan Ethiopia iyo urur goboleedka IGAD Danjire Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan oo hadal kooban ka jeediyey munaasbaddan Qado sharafta aheyd ayaa xusay in u jeedadu ay tahay in magaalada Addis Ababa lagu soo dhaweeyo wafdigan uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka.

Danjiraha urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo isaguna khudbad kooban ka jeediyey Munaasabadda Qado sharafta ah ayaa ka hadlay sida ay dalalka urur goboleedka IGAD ula socdaan hormarrada uu ku talaabsaday Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana uu xusay in qaabka uu u shaqeynayo Baarlamaanka Soomaaliya uu yahay mid mudan bogaadin iyo Hambalyo.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalkan Ethiopia oo iyaguna ka hadlay Munaasabadda Qado sharafta ah ayaa ka hadlay aragtidooda ku aadan qaabka uu xiligan u shaqeeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana ay si isku mid ah hoosta uga xariiqeen iney bogaadiyaan howlaha shaqo ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo Munaasabadda ka jeediyey Khudbaddii ugu dambeysay ayaa ka hadlay marxaladda dalka gaar ahaan howlaha Baarlamaanka waxaana uu xusay in waxyaabo badan la qabtay laakiinse Xildhibaannada iyo Gudoonka Golaha Shacabkaba ay ka go’antahay in sanadka 2016ka ay dalkan gaarsiiyaan halka lagu haminayo oo ah iney ka dhacdo doorasho.

CashoSharafXildhibaano20140517_8 CashoSharafXildhibaano20140517_7 CashoSharafXildhibaano20140517_6 CashoSharafXildhibaano20140517_5 CashoSharafXildhibaano20140517_4 CashoSharafXildhibaano20140517_3 CashoSharafXildhibaano20140517_2 CashoSharafXildhibaano20140517_1 AxmedCabdisalaam20140517_1