Shiikh Fu’aad Shongole oo shegay in dagaalkii Somaliya ay ka wadeen in ay ku wareejiyeen Kenya

0
1018

FuadShongoleAl-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka ka socda gudaha dalka Soomaaliya ay u rareen dalka Kenya, xilli dhawaan Shabaab ay ciidan ku laayeen deegaano hoostaga Degmada Mandheera ee Gobalka NFD.

Sheekh Fu’aad Moxamed Khalaf oo kamid ah saraakiisha Al-Shabaab ayaa hadalkaan wuxuu ka sheegay Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo, halkaasi oo lagu soo bandhigaye, gaadiid Al-Shabaab ay kasoo qafaasheen ciidamada Kenya.
Wuxuu sheegay Sheekh Mohamed Khalaf in dagaalada ka socda Soomaaliya ay la aadeen dhanka dalka Kenya oo uu sheegay in Kenya hadii ay disho gabar Soomaaliyeed iyagana ay dilayaan sida uu yiri Gabar Kenyatti ah.

Shacabka reer Gedo, ayaa wuxuu ugu baaqay inay u istaagaan ka qeyb qaadaashada dagaalada jihaadka, maadaama looga baahan yahay inay muujiyaan kaalintooda ku aadan dagaalada.

Sheekh Fu’aad Mohamed Khalaf waxa kale uu sheegay inay weeraro ka geysan doonaan Magaalooyinka dalka Uganda, iyo Mareykanka sida uu yiri.
Inta badan hadalka uu ka jeediyay fagaaro ku yaalo Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo Sheekh Fu’aad wuxuu ugu goodiyay Dowladda Kenya oo uu sheegay in dhibaatooyin badan ay gaarsiin doonaan.

Al-Shabaab ayaa hada biloowday qorshe cusub oo ay ku bartilmaameedsanayso ciidamada Kenya , waxaana dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ay ciidanka Kenya ku guursanaa dhulka NFD oo ay ugu tagaan.

Warkii