Shir laga tashanayo warbixin uu bangiga horumarinta afrika ka soo saaray isgaarsiinta Somalia

0
814

Shirkan oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Bankiga horumarinta afrika iyo wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta dowlada Soomaaliya ayaa waxaa looga tashanayaa warbixin ka kooban 112 boga oo ku aadan sida horumarin karo isgaarsiinta soomaaliya oo uu soo diyaariyay Bangiga horumarinta afrika.

Shirkan oo socon doona mudo labo maalina ah ayaa waxaa ka qeyb galaya wasiirka wasaarada boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Ibraahim Aadan maamulada ka jira dalka Soomaaliya,shirkadaha isgaarsiinta ee ka jira soomaaliya bulsshada rayidka ah iyo aqoonyahano.

“ … Barnaamijkan waxaa uu qayb ka yahay taakuleynta iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid tahay isgaarsiintu. Barnaamijkan gaar ahaan isgaarsiinta hadii aan wax ka iraahdo waa dadaal aanu ugu jirno in shanta sano ee soo socota labada bangi ee Bangiga aduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika in ay ku maalgaliyaan wadanka Somalia oo lacag ilaa todobaatan miliyan oo dollar ah oo la doonayo adeega isgaarsiinta casiriga ah lagu gaarsiiyo dhamaan wadanka gudihiisa taas oo ujeedadeedu tahay in aad laga faa’deysto aqoonta casriga ah iyo adeega isgaarsiinta cusub sida internetka aadka u dheereeya … “ ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare oo ah Maareeyaha mashruuca taakuleynta isgaarsiinta ee Wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya.

“ … Waxaan rabaa inaan fursada oga faa’deysto in maanta isugu nimid shir labo maalmood socon doona oo muhiimadiisu tahay African Development Bank diraasad ay ka sameeyeen Somalia oo ku saabsan qaabkii loo dar dar galin lahaa loo kobcin lahaa ICT ga qaybta la yiraahdo oo wadanka oo dhan ah,halkan waxaa joogaa shirkadihii ka shaqeyn jiray isgaarsiinta dad aqoonyahano ah iyo jaamiciyiintii wadanka. Meesha waxaa leysugu yimid mashruucaan oo diraasad dheer ahaa oo ay soo diyaariyeen African Development Bank in ay warbixin ka diyaarsiyaan soona gudbiyaan anaguna waxaanu go’aansanay in loo yeero dadkii khuseysay oo ka bixiyaan talo wixii ay ku darayaan ama ka reebayaan markaas ka dib mashruucan oo noqon doono mid dhaqan gala waana markii labaad ay wasaarada timaado Nairobi oo aan kaga hadalno mashaariic umada wax tar u ah … “ Ayuu yiri Axmed Xaaji Cabdi oo ah Agaasimaha guud ee wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya.

“ … Sida ahaan jirtay marka uu diraasad sameeyo bangiga ama Qaramada midoobey in ay dheci jirtay in mashaariicda leyska hirgaliyo laakin anigu waxaan go’aansaday in ay ka fiicantahay in bal marka hore dadka khuseyso loogu yeero oo ah mujtamaca Soomaaliyeed. Marka waxa maanta isugu yimid shirkadaha isgaarsiinta jaamacadaha iyo dadka rayidka ah ee Somalia si ay u akhriyaan warbixinta uu soo diyaariyey bangiga horumarinta Afrika oo sal u ah diraasad socotay muddo hal sano ah. Marka hadii leysku raaco fikradaha ku qoran in ay dan nagu jirto marka waanu garanayenaa mashruucan la hirgaliyo hadii kalena wixii khaldan laga saaro … “ Ayuu yiri Maxamed Ibraahim Aadan oo ah Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta dowlada Soomaaliya.

Shirkan oo maalinta bari ah la soo gababagabeynayo ayaa waxaa ka qeyb galayaasha ay doodi doonaan waxyaabaha ku qoran warbixintan uu Bankiga Horumarinta afrika ka soo diyaariyay sida loo horumarin karo isgaarsiinta Soomaaliya.

Mukhtar Axmed Maxamed [Big Boss]
Nairobi, Kenya

MinistryOfTelcom20140520_4 MinistryOfTelcom20140520_3 MinistryOfTelcom20140520_2 MohamedIbrahimMinistryOfTelcomAli20140520_1 MinistryOfTelcom20140520_6 MinistryOfTelcom20140520_5