Shir looga hadlayo dib u soo nooleynta iyo dhiirigelinta cilmi-baarista Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

0
953

MuqdishoShirkan oo ku saabsan dib u soo nooleynta iyo dhiirigelinta cilmibaarista Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen gudiga qaranka Soomaaliya ee barbaarinta dhaqanka iyo Culuumta oo kaashanaya Wasaaradda Hidaha iyo tacliinta sare ayaa waxa uu socon doonaa muddo afar cisho ah, waxaana looga hadlayaa sidii dib loo soo nooleyn lahaa Cilmi baarista Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Hidaha iyo Taclinta sare, Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socotay Jaamacadaha dalka ku yaalla, quburo Soomaaliyeed oo dalka dibadiisa ka yimid iyo marti sharaf kale oo kulanka lagu casuumay.

Xoghayaha guud ee gudiga Qaranka Soomaaliyeed ee barbaarinta dhaqanka iyo Culuumta Qaasim Xuseen ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha shirka looga hadlayo, isagoo ka qeyb galayaasha u rajeeyay inay ka soo saaraan shirka qodobo muhiim u ah xagga cilmi baarista Soomaaliya.

“Shirkan waxaan rabnaa muddada afarta cisho ah in aan juhdi badan gelino sidii loo heli lahaa cilmi baaris dhameystiran, waxaana uga mahadcelineynaa inta ka soo qeyb gashay shirka” ayuuu yiri Xoghayaha guud.

Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Maxamed Cabdallada Idiris oo isna shirka ka hadlay ayaa sheegay in hay’ado carbeed ay ka qeyb qaadan doonaan sidii loo kobcin lahaa tacliinta sare iyo cilmi baaris guud oo lagu sameeyo Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Kulan oo shirka furay ayaa sheegay in kulankan uu muhiim u yahay cilmi baarista Soomaaliya, isagoo xusay in Wasaaraddu ay dhiirigelinayso shirarka lagu horumarinayo tacliinta sare ee dalka.

“Shirkan waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka kala socda Jaamacada dalka oo dhan, tani waa markii ugu horeysay oo la isugu keeno mas’uuliyin ka kala socota Jaamacadaha Dalka, Wasaaraddu waxa ay diyaar gorow ugu jirtaa sidii sare loogu qaadi lahaa tacliinta sare ee dalka, idinkuna waxaan la idinka rabaa cilmi baaris” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Hidaha iyo Tacliinta sare.

Shirka ayaa inta uu socdo waxa ay ka qeyb galayaasha ka hadli doonaan sidii loo soo nooleyn lahaa cilmi baaristii Soomaaliya.

Radio Muqdisho