Shirkani looga hadlayo kahortaga xadgudubka jinsiga gaar ahaan kufsiga dumarka Soomaaliyeed loo geysta oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha, safaarada dowladda Britain ee Soomaaliya, iyo hay’adaha xaquuqda aadanaha ee hoostada Qaramada Midoobay.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka socday Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta, Garsoorka iyo Saraakiil ka socoto ciidanka Asluubta gaar ahaan qeybta xabsiga Dhexe iyo xubno kasocda ururka Qareenada Soomaaliya ayaa waxaa looga doodayay qaabka cadaalad sax ah loo marin karo dadka geysta xadgudubka jinsiyadeed gaar ahaan kufsiga, iyadoo xubnihi ka qeyb galay shirka ay soo bandhigeen qorshaha ay ugu tala galeen inay kaga hortagaan cadaalad darada ku saleysan inaan sharciga la marsiin qofka xad gudubka geysta.
Maanta ayaa lagu wadaa in la soo gabo gabeeyo kulankaasi diiradda lagu saarayay sida looga hortagi karo xadgudubyada ka dhanka ah dumarka.
Radio Muqdisho