Madaxweynaha maamulka Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa beeniyay warar ay qoreen Warbaahinta, kaasi oo sheegayay in wakiilo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay isku wareejiyeen dokumentiyo ku saabsan heshiis rasmi ah oo dhex maraya labada dhinac.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Siilaanyo in wararkaasi aanay waxba ka jirin haba yaraatee, isagoona sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ku heshiinayaan inay kala tageyaan taasi oo uu tilmaamay in shirkeeda ay dhacayaan dalka Turkiga.
“Ma jiro dokumentiyo ay isweydaarsadeen Soomaaliya iyo Somaliland” ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo oo saxaafadda ugu waramayay magaalada Hargeysa, wuxuuna intaasi raaciyay in shirarkii uga socday dalka Turkiga ay iminka gabagabo marayaan isla markaana lagu saxiixayo jiritaanka Somaliland oo ka go’day dalka Soomaaliya intiisa kale.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in Warbaahinta ay ka fiirsato waxyaabaha ay qoreyso, isagoona ku booriyay inay bulshada u soo gudbiyaan xaqiiqooyinka rasmiga ah ee ku saabsan shirarka u socda Somaliland iyo Soomaaliya.
Somaliweyn