Soomaali laga Tarxiilay Kenya oo Muqdisho ku wajahan

0
1076

QaxootigaSomaliyaLagaTarxiileyNairobi20140409_1Diyaarad sidda ku dhawaad sagaashan qofood oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Kenya ayaa maanta lagu wadaa inay ka soo degto garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Dadkaan ayaa qeyb ka ah boqollaal Soomaali ah oo ay ciidamada Kenya ka soo qabqabteen magaalada Nairobi, ayagoo ku eedeynaya inaysan heysan sharci ay ku joogaan waddankaasi.

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa sheegtay in dadkaani ay ku jiraan dad waayeel ah iyo carruur, qaar ka mid ah la hadlay Radio Muqdisho waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin in dalkooda dib loogu soo celiyo.

Waa qeybtii afaraad ee ah Soomaali laga soo celiyo waddanka Kenya oo la keeno waddankeena tan iyo markii ay ciidamada Kenya bilaabeen howl galka ka dhanka ah Soomaalida ku nool Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii oo ay ganacsi badan ku leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

Radio Muqdisho