Taliska Ciidanka Booliiska Oo Ka Codsaday Shacabka Iney La Shaqeeyaan Ciidanka

0
917

GeneralSaacid20130626Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka codsaday shacabka iney la shaqeeyaan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. C/xakiin Daahir Siciid (Saacid) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada booliisku ay sii laba laabi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amaanka caasimada, isagoo ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed iney gacan ku siiyaan ciidamada gudashada waajibaadkooda.

“Waxaan ku dadaaleynaa anagoo kaashaneyna shacabka inaan qaadno howlgalo lagu xaqiijinayo amniga dalka” ayuu yiri Gen. Saacid.

Sidoo kale Gen. Saacid ayaa rajo ka muujiyay in haddii ay iskaashadaan ciidamada iyo shacabka uu hubo in wax laga qaban karo amaanka guud ee dalka, wuxuuna ku gooddiyay inan loogu aaba yeeleynin cid kasto liddi ku ah amaanka.

Hadalka taliyaha ayaa imaanaya xilli ciidamada amaanku ay howlgallo lixaad leh ka wadaan xafaadaha degmooyinka gobolka Banaadir.

Radio Muqdisho