War Goor dhow na soo gaaray ayaa tilmaamaya in Kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Taliyaha Ciidanka Milatariga dowladda Soomaaliya Jeneraal Indhe Qarshe qarax lagula eegtay Nawaaxiga Warshadda Caanaha ee Magaalada Muqdisho.
Taliyaha ayaa la socday illaa 3 gaari oo labo ay yihiin nuuca loo yaqaan Cabdi Bile mid kalana uu yahay gaariga bulla Buruufta la yiraahdo.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi hase ahaatee Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya oo Shabelle ay la xiriirtay ayaa u xaqiijiyay in Taliyaha Ciidanka XDS oo weerarka bartilmaameedkiisu ahaa uu ka bad baaday.
Goob Joogayaal ayaa sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay weerarkaasu hase ahaatee aanu faah faahin rasmi ah laga heynin.
Shabelle