Taliyayaasha Boliska iyo Nabadsugidda oo saacadaha soo socda is-casilayo

0
938

BashiirGoobeAndSaacidIlo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa warkii.com u xaqiijiyey in Taliyaha Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed, Jeneraal C/xakiim Daahir Saciid (Saacid) iyo Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka, Jeneral Bashiir Axmed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda is-casilaan.

Warar xog-ogaal ayaa tilmaamay in lagu wado in Labadaa Taliye ku dhawaaqaaan Is-casilaadooda ka hor 12:00 duhurnimo ee xilliga Geeska Afrika (EAT), xilligaasi oo ku beegan marka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka soo degi doono Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Wararka sugan ee aynu helayno ayaa sheegayo haddii ay Taliyayaashaaasi is-casili waayaan wixii ka horreeya xilligaasi inuu Madaxweynuhu soo saari doono Wareegto uu xilalka kaga xayuubinayo.

Fiidnimaddii xalay ayey ahayd markii uu Wasiirkii Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federalka, C/kariim Xuseen Guuleed ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi, kadib, markii ay Wasaaradiisu ku fashilantay in wax laga qabto weeraradda Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Mas’uuliyiinta ay Hay’addahooda khuseeyaan fashilka dhinaca Ammaanka ayaa lagu wadaa inay iska casilaan xilalka ay hayaan, ka hor intaan Dekereeto xilka looga xayuubinin.

 

Warkii