Taliyihii ciidamada saadka Jeneraal Bariise oo la xiray

0
1047

GeneralBariiseMagaalada Muqdisho waxaa la xiray taliyaha ciidanka saadka Cabdullaahi Xasan Bariise.

Saraakiil diiday in magacooda loo adeegsado warbaahinta ayaa sheegay in Jen Bariisi lagu armay in uusan ka soo bixi karin gurgiisa isla markaana uusan wax shaqo ah qaban karin.

Warar aan la isku haleen karin ayaa sheegaya in amarka lagu xiray taliyaha uu bixiyay Cabdikariim Saacid oo ah taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya.

Ma cadda sababta loo xabsiga guriga looga dhigay Jen Cabdulaahi Xasan Bariise, mana jirto war dowladda ka soo baxay.

Bariise ayaa horey madax uga ahaa hey’adda dambi baarista dowladda ee CD, waxaa kaloo uu mar soo noqday afhayeenka ciidanka booliska.

Wararka la helaayo ayaa muujinaya in uu jiro khilaaf u dhexeeya taliyaha ciidamada booliska iyo Jen Bariise.

Midnimo