Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa ka hadlay tallaabada Baarlamaanka Soomaaliya ay shaqadii uga joojiyeen shirkada ka shaqeysa Garoonka Diyaaradaha ee Favori, kadib markii Baarlamaanka shalay ay Xukuumadda dib ugu celiyeen sharciga ay shirkadaasi ku shaqeyso.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir,ayaa sheegay in tallaabada Baarlamaanka Soomaaliya ay Favori shaqadii kaga joojiyeen ay tahay mid lagu curyaaminayo sida uu yiri horumarka dalka Soomaaliya.
Tarsan wuxuu sheegay inaysan habooneyn qaladaad ay galeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya in loo ciqaabo shirkada Favori oo shaqadii ay ka haysay Garoonka looga joojiyo, isaga oo aan faah-faahin ka bixin qaladaadka uu sheegay inay galeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayuu ujeediyay inay noqdaan kuwa qaran oo ka fekeraya danta dalka iyo diinta, maadaama ay ku dhaarteen sida uu yiri inay ku shaqeynayaan si ay ku jirto danta DALKA, DADKA IYO DIINTA.
Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa xusay in goaan waliba oo uu Baarlamaanka Soomaaliya gaarayo inay fiican tahay ka fekerkiisa waxa ka imaan karo khasaaro iyo faaiido iminkana isaga uu u arko hadii Favori Garoonka laga qaado inaysan jiri doonin shirkad dambe oo maamusha Garoonka.
Shirkada Favori shaqo abuur bey sameysay goaan in lagu deg degaa ma fiicno faaiido iyo khasaaro waxa ka imaan karaa inay Xildhibaanada ka fekeraan ayaa wanaagsanAyuu yiri Tarsan oo Wareysi siiyay Idaacada Goobjoog.
Shalay ayeey aheyd markii Xildhibaano gaaraya 124 Xildhibaan ay ku codeeyeen in shaqada laga hakiyo Shirkada Favori Xukuumadana dib loogu celiyo sharciga shirkadaasi ay ku shaqeyso.
Warkii