Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ugu baaqay Booliska inay faah faahin dhab ah ka keenaan sidii ay wax u dhaceen, kadib markii shalay gaari uu saarnaa Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cismaan qarax lala eegtay.
Tarsan ayaa sheegay inuu aad uga xumaaday geerida C/kaafi oo ahaa nin ay soo wada shaqeeyeen, isagoo xusay in dhimasho ka xanuun badan aanay mudooyinkan soo marin sida uu yiri.
“Umada Soomaaliyeed waa uga tacsideynayaan, anagana waa isaga tacsiyadeyneynaa, nin aad aad uga xumaaday geeridiisa ayay aheyd, habeen hore ayaa wada joognay, dhimasho isoo martay ma arag oo aan uga xumaaday”ayuu yiri Tarsan.
Mr Tarsan ayaa sheegay in Booliska laga rabo inay soo bandhigaan sida wax u dhaceen, waxaana uu ku sifeeyay C/kaafi inuu ahaa nin geesi ah oo howsha loo diro sida loogu tala galay uga soo baxa.
“Booliska waxaa laga rabaa inay faah faahin dhab ah ka keenaan, sida wax u dhaceen iyo sida wax u noqotay, C/kaafi wuxuu ahaa nin aad iyo aad u karti badan oo geesi ahaa, runtii dadka fara ku tiriska ee wadankan wax ka qaban kara ayuu ahaa, xaqiiqdii shaqooyinka adag ee aan kala quusto qof kale inuu qabto ayaa u diri jiray C/kaafi, wuxuu ahaa qof isku kalsoon, aaminsana wuxuu sameynayo geesinimadeedana leh”ayuu yiri Tarsan.
C/kaafi Hilowle Cismaan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha Booliska Soomaaliya, kadib markii xilka laga qaaday.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa uu ku dhintay, iyadoo wararka qaar sheegayaan in qaraxa uu ku xirnaa gaariga, halka wararka kalena ay tibaaxayeen in qaraxa uu yaalay wadada dhinaceeda, markii gaarigiisa uu la soo simay loo taabtay meel ku dhow Isgoyska KM4.
Waa mas’uulkii u horeeyay ee ka tirsanaa Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir oo qarax lagu dilo tan iyo intii labadii bilood ee u dambeeyay xilalka laga qaadayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, kuxigeenadiisa iyo dhamaan Gudoomiyeyaashii degmooyinka.
Jowhar