Tartan Kubadda Cagta ah oo lagu maamusayay 15-ka May oo ay soo qabanqaabiyeen Maalulka Degmada Xamarweyne ayaa galabta lagu so gabo gabeeyay xarunta degmada, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyin kala duwan oo uu ka midyahay Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne Mudane Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, ku-xigeenka guddoomiyaha ee dhanka arrimaha bulshada Abuukar, Guddoomiyaha Degmada Shangaani Saciid iyo mas’uuliyiin kale.
Tartankani kubadda cagta ah ee lagu maamuusayay xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 May ayaaa waxaa ka qeyb galay 4 degmo oo kala ah Degmooyinka Shangaani, Xamar weyne, Xamar Jabjab iyo Waaberi, waxaana Cayaartii kama dambeysta ama Finalka isugu soo baxay degmooyinka Xamar weyne iyo Waaberi.
Cayaarta oo ay u soo daawasho tageen boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyimka Gobolka Benaadir ayaa cayaarta Finalka ahayd oo isu soo hareen Degmooyinka Xamar weyne iyo Waaberi, islamrkaana ay muuhijeen cayaar wanaag, waxaa waqtigii loogu tala galay ay kusoo idlaatay Barbaro 1-1 ah waxaa gool ku laad ama Rigoore loo dhigay ay guusha ku raacday degmada Xamar weyne 4-2.
Radio Muqdisho