Hay’adda Qaxootiga Adduunka UNHCR ayaa walaac ka muujisay mar kale dib u celinta Soomaalida Ku nool dalka Kenya.
UNHCR ayaa sheegtay in Beryihii dambe ay soo gaarayeen warbixinno kala duwan oo ku aadan In Soomaalida abaaraha iyo dagaalada uga soo cararay dalkooda dib loogu Masaafurinayo dalkooda Hooyo taas oo ay ku tilmaamtay Hay’adda in wax laga xumaado ay tahay.
Hay’adda Qaxootiga Caalamka ayaa carabka ku dhufatay in illaa 300 oo qof ay iminka warbixinnadu ku soo gaarayaan in dib loogu Masaafuriyay Soomaaliya.
Dadka qaar eee La Masaafuriyay ayey UNHCR ku sheegtay in ay u diiwaan gashanaayeen qaxootinimo.
Ugu dambeyn ayey UNHCR ugu baaqday dowladda Kenya in ay ka laabato go’aanka ay dib ugu soo Masaafurineyso Soomaalida dalkooda.
Shabelle