Waddada isku xirta Banaadir iyo Sh. Hoose oo isbaarooyin laga cabanayo

0
1034

IsbaaroDadweynaha iyo gaadiidleyda ku safra waddada isku xirta gobollada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose ayaa ka cabanaya isbaarooyin looga qaado lacag baad ah oo sii kordhaya.

Mid ka mid ah wadeyaasha gaadiidka xammuulka ah ee ka shaqeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ayaa sheegay in ay maraan ugu yaraan 20 isbaaro oo ay ku bixiyaan lacag sharci darro ah oo u dhaxeysa SoSh 500,000 ilaa SoSh 2,500, 000.

Ganacsatada iyo beeralleyda gobolka Shabeellaha Hoose ayaa iyaguna ka cabanaya isbaaroouinka oo ay sheegeen inay yihiin caqabadda ugu weyn ee hor taagan howl-maalmeedkooda.

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhowaan sheegay in ay jiraan ciidan u xil saaran la dagaallanka isbaarooyinka.

Bar-kulan