Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shalay ka ambabaxay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, isagoo ku siijeeda dalka jabuuti oo sida la sheegay uu casuumaad ka helay madaxweynaha dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Sida warku sheegayo Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe iyo Xubno la socda ayaa waxa ay safar muddo gaaban qaadanaya ku tagayaan Magaalada Jabuuti ee Caasimada dalka Jabuuti,halkaasi oo uu kula kulmayo madaxweynaha jabuuti iyo mas,uuliyiin kale oo ka tirsan madaxda dalkaasi.
Si rasmi ah looma oga waxa kulankoodaasi looga hadlay,waxaase jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in kulnkaasi looga hadlayo ciidamo jabuutiyaan ah oo lagu wado in la geeyo Gobolka J/hoose kuwaas oo qeyb ka noqonaya Ciidamada AMISOM ee gobolkaasi la geynayo,iyadoo warar kale oo aan la xaqiijini ay sheegayaan in usbuucii hore uu magaalada kismaayo gaaray Gen Subagle oo ah Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee ku socda Magaca Amisom ee somalia ku sugan.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowldda Jabuuti iyo saraakiisha AMISOM oo xaqiijinaya in wadahadalada labada dhinac ay ku saabsan yihiin ciidamo ka socda jabuuti oo tagaya kismaayo ,sidoo kale maamulka Axmed madoobe weli kama hadlin socdaalka uu hoggaamiyehoodu ku tagayo magaalada jabuuti.
Axmed madoobe ayaa tan iyo intii ay ciidamadiisa iyo kuwa Kenya la wareegeen magaalada kismaayo waxa uu kulmo kala duwan la yeelanayey madaxda dalalka igad gaar ahaan madaxda dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo la sheego inay si weyn u taageeraan, Axmed Madoobe ayaa waxaa Jabuuti ugu dambeysey sanadii 2009-kii xiligii halkaasi lagu dhisey dowladdii Sheekh shariif Sheekh Axmed, iyada oo uu Axmed Madoobe ka mid noqdey xildhibaanadii isbahaysiga dib u xoreynta, wuxuuna ka ahaa nambarka 35-aad, balse markiiba waa uu iska casiley xilka xildhibaanimadda.
Warkii.com