Wasiirka Difaaca dowladda Soomaaliya Max’ed Sheekh Xasan Xaamud ayaa soo bandhigay caqabado ka dhex taagan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Mr Xaamud ayaa carabka ku adkeeyay in marka ay Ciidamada tababaraan ay aadaan Gobollada iyo deegaanada ay ka soo jeedaan ayna noqdaan Ciidan qabiil.
“Kii Bakool ka yimaada aynu tababarno waa Reer Bakool kii Dhuusamareeb ka soo gala hadhow waa Reer dhuusamareeb kii Markana waa Reer Marko” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Sheekh Xasan Xaamud.
Max’ed Sheekh Xasan Wasiirka Difaaca Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Nidaamka dowladeed uu yahay in Askari laga soo badali karo Bay loona wareejiyo Kismaayo Kii Kismaayo loo badalo Hiiraan laakiin qaabka ay u dhaqmaan ciidamadu hadda aanu dhici karin hannaankaasi iyo wax u dhow.
Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in haatan Wasaaraddu ay heshay tababarro dowladda Talyaaniga ay siineyso Ciidamada qaranka Soomaaliyeed laakiin aanu garaneyn cid ay ku aaminaan sababo uu ku sheegay in dowladdu ay ka baqeyso in Yurub ay u goostaan Ciidamadaasi.
Sidoo kale Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Maamulkii ama Guddoomiyihii La Magcaabo uu Ciidamo si iskiis ah u qoranayo kuwaas oo isaga u gaar ah.
Caqabadaha uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya xilli Ciidamada dowladda Soomaaliya inta badan ay ka cawdaan Mushaar la’aan ama gunno yari.