Wasaaradda gaashaandhiga Somaaliya oo sheegtay in ay u maara la’dahay Jid Gooyooyin la soo dhigo deegaanada dowladdu Maamusho

0
1055

GeneralMaxamedSheekhXasanWasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlayay Munaasabad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa shaaca ka qaaday in maara loo la’yahay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo Isbaarooyin ay u yaallaan qeybo ka mid ah Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Mr Xaamud Wasiirka Difaaca dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya sidii loo qaadi lahaa Isbaarooyinkaasi oo uu sheegay in ay caqabad yihiin isagoo carabka ku adkeeyay in markii ay qaadaanna ay dib u soo dhigayaan Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir ayaa wacad ku maray in sharciga lala tiigsan doono ciddii ku xad gudubta sharafta ciidanka qaranka ama iyadoo Magacaasi sidata suurad xumeysa kana qeyb qaadata soo dhigista Jid gooyooyinka IWM.

Hadalka ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya xilli dad badan oo shacab ah ay caqabado kala kulmaan Isbaarooyin u yaalla Ciidamada dowladda Soomaaliya qeybo ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Shabelle