Boqolaal Soomaalida Columbus ah ayaa warbixin iyo xaaladda dalku uu marayo ka dhagaystay wasiirkii hore ee Gaashaan dhigga dowlada Soomaaliya C/xakiim Maxamud Xaji Fiqi oo dhawaan soo gaaray magaalada Columbus ee Gobolka Ohio. Xafladda oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa ka dhacday hoteelka Hilton ee magaalada Columbus waxaana ka soo qaybgalay madax Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Dr. Cabdinuur Sh. Maxamed, wasiirkii hore ee Waxbarashada iyo Dr. Cali Fiqi, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub. Aayado Qur’aan ah kadib, waxaa hadalka furtay Khadro Maxamed Shire oo ah Madaxa Jaaliyadaha Afrikaanka Ohio iyadoo ku bogaadisay wasiirka shaqadii hufnayd ee uu soo qabtay muddadii uu hormuudka ka ahaa dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Intaas ka dib, wasiir Fiqi oo hadalka lagu soo dhoweeyay ayaa u mahadceliyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ohio isagoo ku ammaanay doorka muuqda ee ay ku leeyihiin soo noolaynta Soomaalinimada.
Wasiirka ayaa si guud sawir uga bixiyay marxaladihii dalku soo maray oo wajiyo kala duwan uu goobjoog u ahaa iyo mudadii uu hayay xilka Gaashaan dhigga oo uu la kulmay caqabado badan oo dhinacyo badan ka imaanayay.
Sharaxaaad dheer ayuu ka bixiyay muddadii uu xilka hayay wixii dalka u qabsoomay iyo wixii qaldamay, waxa uu sidookale ka hadlay, Ciidanka dowlada iyo sababaha uu wax la qaban la’yahay, caqabadaha hortaagan dhamaystirka awoodda Shabaab ee dalka ka jirta sababaha loo wiiqi la’yahay iyo arimaha Gobolaysiga ama Federalka, oo ah arrin xasaasiyad weyn lahayd.
Wuxuu wasiirku aad rajo uga muujiyay himilada dalka iyo mustaqbalka fog in isbadal taam ah la gaari doono halka dowladda uu xusay in caqabado badan ay ku hor gudbanyihiin, kuwaas oo ka imaanaya meelo badan. Dhaqaalaha dowladda ayuu sheegay in uu yahay mid kooban isagoo isla markaas xusay in beesha caalamku ay muujisay in aysan raalli ka ahayn in Soomaaliya laga taageero in ay dhisato ciidan qaran oo amninga dalka hanan kara.
Dowlada Soomaaliya ayuu xusay in waxbadan ay qabatay waxna ka qaldameen, walina ay u baahantahay in ay horay u sii socoto si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin xor ah, waloow uu rajo xumo ka muujiyay suuragalnimada Doorashooyinkaasi.
Arrimaha Gobolaysiga
Arimaha Gobolaysiga ayuu wasiirku xusay in aysan suurogal noqon doonin ilaa dalka xor uu wada noqdo, iyo ilaa la helo dib u heshiisiin rasmi ah, isaga oo dhanka kale xusay in dowlada waxyabaha dhibka ay kala kulanto ay qayb ka yihiin maamulada gobolada oo aan hanaan fiyoow ku socon. Mar uu ka hadlayay arrimaha gobolaysiga ku dhisan qabyaaladda ayuu xusay in magaalooyin iyo gobollo Soomaaliya ah ay u kala qaybsanyihiin maamullo ay hormuud ka yihiin beelo kala duwan isagoo tilmaamay in iyadoo kuwaas lagu dayanayo ay beeluhu tartan ugu jiraan sidii ay maamullo ugu tartami lahaayeen. Wasiirku isagoo arrintaas ka hadlaya ayuu yiri “Magaalada Baydhabo waxaa dhowaan looga dhawaaqay maamulka lixda gobol iyo midka saddexda gobol. Waxaa kale oo niman isu yimid ay ku dhawaaqeen maamulka labada Shabeelle. Kuwo kale ayaa ka daba yimid oo ku dhawaaqay Banaadir State oo ka kooban labada Shabeelle iyo Xamar. Isla kuwo kale ayaa sheegtay in ay maamul u dhiseen Bakool iyo Hiiraan, Jubbooyinka iyo Gedo.” Arrintaas ayuu ku tilmaamay mid caqabad ku ah dowladnimada Soomaaliya isagoo rajo ka muujiyay in dalku soo wada galo gacanta dowladda ka dibna ay dowladda Soomaaliya soo saari doonto shuruucdii hagi lahaa in la dhiso maamul goboleedyo waafaqsan dastuurka Soomaaliya.
Ciidanka Kenya ee Kismaayo
Wasiirka ayaa dhanka kale ka hadlay ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Kismaayo iyo guud ahaan dhibaatooyinka Soomaalida ku haysta dalka Kenya. Mudane Fiqi ayaa sheegay in hab dhaqanka ciidanka Kenya ee Kismaayo Jooga uu sharaf dhac iyo dhaawac weyn ku yahay qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. “Aniga oo ah Wasiirkii Gaashaandhigga oo ay I weheliyaan wasiirkii Garsoorka iyo Wasiirkii Warfaafinta ayaa Kenya naga hor istaagtay in aynu gudaha u galno Kismaayo. Arrintaasi ma ahan arrin shakhsi khusaysa. Waa hab dhaqan fool xun oo meel ka dhac ku ah qarannimada Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirku. Waxaa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay Qunsul la sheegay in Kenya u soo magacowday magaalada Kismaayo kaas oo dowladdu aysan ka warhayn. “Waa arrin ka soo horjeedda xeerarka diblomaasiyadda caalamka in wakiil dowladeed oo uusan ogeyn Madaxweynaha Soomaaliya soona marin Wasaaradda Arrimaha Dibedda uu ka howl galo magaalo ka mid ah Soomaaliya,” ayuu mar kale yiri Fiqi.
Ciribtirka Al Shabaab:
Wasiirku wuxuu tilmaamay in ay Al Shabaab yihiin cadowga ugu weyn ee ummadda Soomaaliyeed ka hor taagan dowladnimo iyo nabad kaasi oo ay waajib tahay in dalka laga cirib tiro. Wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dowladnimada isaga oo carrabka ku adkeeyay in sida keliya ee Soomaaliya dhibaatada uga bixi karto ay tahay in la garab istaago dowladnimada Soomaaliyeed. “Dadka qaar ayaa ku dooda in meelaha Al Shabaab joogaan ay nabad ka jirto. Nabadda ay dadka Shabaab la jooga haystaan waxay la midtahay nabadda ay haystaan ari xero ku jira oo ninka lihi dadka kale ka ilaaliyo laakiin maalintuu doono uu neefkuu doono gowraco. Shabaabku shacabka markay doonaan ayay gowracaan iyagoo gaar u bar tilmaameedsada dadka bulshada waxtarka u leh,” ayuu yiri wasiirku isagoo ka tacsiyeeyay geerida ku timid xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir Cabdikaafi Hilowle oo uu sheegay in ay soo wada shaqaynayeen illaa dowladdii Farmaajo.
Aayaha Soomaaliya:
Dalka Soomaaliya ayuu wasiirku tilmaamay in uu ku tillaabsaday horumar dhinacyo badan leh dhowrkii sano ee u dambeeyay. Wuxuu sheegay in aysan suurtogal ahayn in Soomaaliya ay higsato dowladnimo dhammaystiran illaa loo gudbo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan xorriyad ay ku doortaan madaxdooda. Hannaankii lagu soo xulay baarlamaanka hadda jira oo ay soo xuleen odayada dhaqanka ayuu aad u dhaliilay wuxuuna ku baaqay in aan dib dambe dowladnimada dalka loo daba fariisan duubabka iyo isimada beelaha. Wuxuu wasiirku sheegay in inta ka horreysa bisha Oktoobar ee sanadkan qorshuhu yahay in dalka laga xoreeyo Shabaab si, buu yiri, ay u suurto gasho in sanadka 2016 ay degmo walba ay soo doorato dadkii hoggaamin lahaa iyo kuwii u mateli lahaa baarlamaanka dhexe iyo dowladda dhexe.
Gabagabadii, kulanka Fiqi oo aad u xiiso badnaa waxaa qeybtiisii danbe la weydiiyay su’aalo aad u kul kulul oo ka imaanayay dad afkaaro kala duwan aaminsan, haba u xooganaadeen arimaha gobolaysiga, faragalinta Kenya ee Somalia, Socdaal uu xili hore Kismaayo ku tagay oo ciidammada Kenya ka hor istaageen in uu gudaha u galo magaalada, iyo waxa hortaagan in dib loo askumo awoodda ciidan ee Soomaaliya.
Gabi ahaan Su’aalaha ayuu si asluubaysan uu uga jawaabay xilli dadka qaar ay muhiim u arkayeen in wasiirka la weydiiyo su’aalahaasi.
Barnaamijkan xiisaha leh ee kulanka wasiirka iyo Soomaalida Columbus waxaad ka dheehan kartaa muuqaalka oo dhamystiran Youtubka inaga oo dhawaan soo galin doona.
https://www.youtube.com/results?search_query=deeqosonna
Deeqo Shire (SONNA)