Isagoo mar kale ka hor hadlayay Baarlamaanka Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayuu ku baaqay in aan la siyaasadeen Magcaabista Guddoomiyayaasha Degmooyinka.
Wasiirka ayaa sheegay in Maamulada loo dhisayo degmooyinka dalka ay qeyb ka tahay Isbedelada dowladdu higsaneyso laakiin aan la siyaasadeen islamarkaana aan tashwiish hor leh la furin.
Dhinaca kale Wasiirka ayaa si shaac ah Carabka ugu dhuftay in Maamulada degmooyinka Buurhakabada iyo Bardaale iyaga iyo Maleeshiyaad ka amar qaata ay si shaac ah u dhaceen Raashiin gar gaar oo loogu tala galay dadka deegaanadaasi degan.
“ Runtii waxaa habooneed 4 Nin oo marqaati ah oo shaqaalaha Wasaaradda ka tirsan kuwaas oo qoryo lagu qabtay kadibna laleexsaday Gargaarkii in ay halkaan nala joogaan” ayuu yiri Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre.
Dhanka kale waxa uu ka digay in Raashinka gargaarka lagu iibiyo Suuqyada ciddii ku soo lug yeelatana tallaabo cad ay ka qaadi doonaan sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn ayuu sheegay in degmada Qoryooleey oo dhawaan lagala wareegay gacan ku heynteeda dhaq dhaqaaqa Al Shabaab si buuxda loo gaarsiiyay gar gaar weliba ay wax ka soo hareen intii loogu tala galay sida uu hadalka u yiri.
Shabelle