Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo isagoo ku sugan dalka UK u warramayay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayuu ka hadlay arrinta Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha.
Mr Guuleed ayaa sheegay in arrinta la xiriirta is casilaad in laga dalbado Madaxweynaha oo ah Masuulka ugu sareeyo dalka ay tahay mid u baahan arrin Dastuuri oo loo baahan yahay in qaab Asluubeysan oo sharci ah loo soo maro.
“ Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa dowladda waqti yar ayaa u haray oo ay wax ku qabsan karto marka fursad ha siiyaan hana joojiyaan xiisaddaan ay abuurayaan” sidaasi waxaa yiri Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirkii hore ee Amniga oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dhibaatada amniga ee ka jirta dalka si ay ugala Xisaabtamaan Xildhibaanada Baarlamaanku Wasiirka Amniga in uu iska hortaagayay Madaxweynaha.
Xildhibaanno ka badan 100 ayaa iminka Mooshin waxa ay ka diyaarinayaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud.
Shabelle