Wasiirka Amniga oo saaka dalka dib ugu soo Laabtay

0
886

CabdikariimGuuleedWasiirka amniga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka dib ugu soo laabtay dalka iyagoo si diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho.

Wasiirka amniga mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo safar shaqo ku tegay dalka Ingiriiska ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiir ku xigeenka wasaarada amniga iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane C.kariin Xuseen Guuleed wasiirka amniga oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in safarkii uu ku tegay dalka Ingiriiska uu ahaa mid guuleed, isagoo xusay inuu wadahadalo la soo yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi, isagoo hoosta ka xariiqay iney ka wada hadleen iskaashiga dhinacyo kala duwan.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in uu la kulmay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Ingiriiska, isagoo tibaaxay inuu uga warbixiyay xaalada dalka, kuna guubayay iney gacan ka geystaan dib u dhiska dalka.

Radio Muqdisho