Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo goor dhow is casilay

0
954

CabdikarimGuleed20131222Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa goor dhow oo caawa ah ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa, saacado kadib markii la weeraray xarunta Golaha Shacabka.

Wareysi uu siiyay Raadiyaha ku hadla afka dowladda ayuu Mr Guuleed ku cadeeyay inuu iska casilay xilkiisa, isagoo u mahad celiyay dhamaan dadkii la soo shaqeeyay.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka aadka ugu dhow Madaxweynaha, iyadoo is casilaadiisa laga yaabo inay yareyso culeysyada Madaxweynaha saarnaa ee xaga siyaasada, kadib markii todobaadyo ka hor Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ugu baaqeen inuu is casilo

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu si toos ah caawa ay u wada hadleen isaga iyo C/kariin Xuseen Guuleed, kana dalbaday inuu is casilo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ku jooga dalka Koofur Afrika oo uu kaga qeyb galay caleema saarka Madaxweyne Jacob Zuma ayaa u sheegay raadiyaha dowladda in saacadaha soo socda ay dhici doonaan is bedelo.

Al-Shabaab ayaa weeraray saddexdii hey’adood ee ugu sareysa dalka, sida Xarunta Maxkamada ee Garsoorka, Xarunta Madaxtooyada ee Fulinta iyo Xarunta Baarlamaanka ee Golaha sharci dejinta, iyadoo dhamaan weeraradaas ay halbowle u ahaayeen dhaliilaha iyo eedeymaha loo jeedinayay Hey’adaha Amniga oo ahaa inay ku fashilmeen inay wax ka qabtaan arrimaha Amniga.

Jowhar.com