Wasiirka arimaha Gudaha Dalka Jabuuti Hassan Omar oo La hadlay warbaahinta ayaa sheegay in labadii ruux ee isku qarxiyay maqaayadii ku taalay Jabuuti ay ahaayeen Haweeneey iyo saygeeda kana soojeeda dalka Somalia.
Mr Hassan omar wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay in sidaas lagu ogaaday baaritaan ciidamadu ay sameeyeen islamarkaana baritaanku uu sii socondoono.
Weerarka ka dhacay maqaayada Faransiiska ay leeyihiin ayaa waxaa ku dhintay 3-ruux oo uu kujiro muwaadin kasoo jeeda dalka Turkiga,waxaana halkaasi kudhaawacmay 7-ruux oo ka soo jeedda dalka Faranca iyo 4-ruux oo kasoo jeeda dalka Jarmalka ,sidaa waxaa hadalkiisa kusii daray wasiirka arimaha Gudaha.
Wasiirka wuxuu sheegay in aysan ogeen cida ka dambeesa Weerarkan balse 2-ruux ee weerarka Fuliyay ay ahaayeen Somali.
Madaxweynaha Jabuuti Ismail Omar Geele ayaa sheegay iney Dowladiisu sii wadi doonto Dagaalka Ay kula jirto Argagixisada.
Dowlada Jabuuti ayaa Kamid ah wadamada Ciidamadu ay kajoogaan Somalia waxaana wadankaasi Saldhigyo Milatari kuleh Wadanka Mareykanka iyo Wadamada Ku mideysan Howlgalka Ladagaalanka Burcad-badeeda ee Atlanta.
Warkii