Wasiirka Arrimaha Gudaha oo helay codka kalsoonida, kana bad baaday mooshinkii ka dhanka ahaa

0
917

Godax20140304Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa ka bad baaday mooshin laga soo gudbiyay oo ay Xildhibaano ka badan lixdan mudane ku dalbanayeen in codka kalsoonida lagala laabto, iyadoo dood kadib Xildhibaanada ay cod u qaadeen.

Intii ay socotay dooda ayaa waxaa Wasiirka Arrimaha Gudaha oo hadlay waxaa uu ka dalbaday Gudoonka Baarlamaanka in codka kalsoonida loo qaado, isagoo tilmaamay inuu diyaar u yahay wixii qaladaad ah iyo dal daloolaha jira inuu saxo.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa amray in codka kalsoonida loo qaado, iyadoo 144 Xildhibaan oo ku sugneyd hoolka shirarka Baarlamaanka ay codka kalsoonida siiyeen 115 Xildhibaanka, halka 18 xildhibaan ay u diideen oo ay doonayeen in kalsoonida lagala laabtay, waxaana ka aamusay 11 Xildhibaas.

Intaas kadib Gudoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaana uu ansixiyay codeyntii, isla markaana ku amray Wasiirka inuu howshiisa sii wato.

Wasiirka Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre oo hadlay codeynta kadib ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada u codeeyay, kuwo diidanaa iyo kuwa ka aamusay, isagoo u cadeeyay inuu sixi doono qaladaadka laga soo gudbiyay, waxaana uu hoolka shirarka Baarlamaanka ka baxay isagoo dhoola cadeynaya.

Mooshinkan oo tirada soo gudbisay ay ahaayeen 65 ayaa waxaa muuqatay intii badneyd Xildhibaanada ay ka tanaasuleen, waxaana Gudoonka uu cadeeyay in aanay aheyn in tiradaas mooshin ka soo gudbiso Wasiirka.

Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu socdo mooshin ay diyaarinayaan Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka, kaasoo ka dhan ah Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana uu mooshinkan daba socdaa midkii uu ka bad baaday Wasiirka Arrimaha Gudaha.

 

Jowhar.com