Wasiirka Beeraha ee dalka Soomaaliya Mudane Cabdi Baafo oo socdaal shaqo ah ku jooga magaalada Nairobi, ee delaka Kenay ayaa maanta hoteelka uu kaga deganyahay Nairobi kula kulmey mudane Cali Barre oo ah Madaxa IOM u qaabilsan dalka Somaaliya.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Mudane Graham Farmer oo ah lataliye sare ee Wasiirka Beeraha isla markaana ah kabiir ka socda heyada FAO ee fadhigeedu yahay Roma.
Mudane Cabdi Baafo iyo madaxa IOM waxey ka wada hadleen sidii labada hay’adood ay u yeelan lahaayeen wada shaqeyn isla markaana heyada IOM ay gacan ugu geesan lahaayeen dib diska tayada shaqaalaha wasaarada beeraha.
Wasiirka ayaa heyada IOM ka codsadey in wasaaradda beeraha laga taakuleeyo in loo qoro khubaro Soomaaliyeed ee ku xeel dheer cilmiga beeraha si ay gacan ugu geysan lahaayeen tababarida shaqaalaha wasaarada iyo kobcinta tacabka beeraha.
Mudane Cali Barre ayaa sheegey in heyadda IOM ay caawinto 30 heyadood ee ka kala socda Somaliland, Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale uu sheegey in programka loo yaqaan “Mida” uu yahay mid loogu tala galey in lagu shaqaaleeyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha dalka laguna dhiiri geliyo iney dalkooda wax u qabtaan.