Wasiirka caafimaadka Somaliland oo gaaray Buuhoodle

0
962

XaglaToosiyeWasiirka caafimaadka ee maamulka Somaliland Suleymaan Ciise (Xagla-toosiye) ayaa gaaray degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, xilli ay halkaasi ka jiraan xiisado colaadeed.

Safarka Xagla-toosiye ayaa ahaa mid aan horay loo sii shaacinin, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay oo ku aaddan sababaha socdaalkiisa Buuhoodle.

Safarka wasiirka caafimaadka ee maamulka Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli degmada Buuhoodle uu ku sugan yahay xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan sheegay in wada-hadallo la xiriira colaadaha ka taagan deegaannadaas ay dowladda Soomaaliya la gashay maamullada Somaliland iyo Puntland, si loo yareeyo khatar shacabka ka soo gaarta dagaallo halkaas ka dhaca.

Bar-kulan