Wasiirka Cadaalada iyo dastuurka oo sheegey in dowlada iyo barlamaanka aan waxba ka bedelin Dastuurka

0
1009

 

DastuurkaShacabka Soomaaliyeed, ayaa waxay qaarkood muddooyinkaan dambe isla dhex marayeen in la wada bedelay Dastuurkii Qabyo Qoraalka ee Soomaaliya, ee la sameeyay sanadkii 2012-kii.

Sidoo kale Maamulka Puntland, ayaa marar badan Dowladda Federalka ee Soomaaliya ku eedeeyay, in ay wada bedeshay Dastuurkii Qabyo Qoraalka.

Wasiirka Wasaarada Dastuurka iyo Cadaalada ee Dowladda Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa wuxuu si weyn u beeniyay in la wada bedelay Dastuurka Qabyo Qoraalka.

Wasiirka wuxuu sheegay in qodobada qaar lagu sameeyay isbedel, balse aysan waxba ka jirin in la wada bedelay Dastuurka oo dhan, isla-markaana uu weli yahay sidiisii hore.

Wasiirka wuxuu tilmaamay waxa keenay in isbedel lagu sameeyo qodobada Dastuurka qaarkood, uu yahay mid ka horeeyay jiritaanka Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana uu Baarlamaanka horey go’aan ugu gaaray in dib loo dhigo qodobada qaar ee Dastuurka. Taana ay tahay midda keentay in dadka qaar ay u fasirtaan in la bedelay Dastuurkii Qabyo Qoraalka.