Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda oo Baarlamaanka su’aallo uga jawaabay

0
812

xildhibaanadaBarlamaanka20131124_1Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku hor yimid Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya.

Su’aallaha ugu badan ee ay Mudaneyaasha Baarlamaanku weeydiiyeen Mudane Yuusuf Macalin Amiin (Baadiyow) Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay quseeyeen maamulka dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, waxaase wehliyey shaqaalaha dekedda ka shaqeeya, milkiyadda gaadiidka xamuulka ka daabula dekedda, dhaqangelinta heshiiska dekedda ee ay Xukuumaddu la gashay shirkad Turki laga leeyahay, ayadoo heshiiskaasna aanay Baarlamaanku ansixin, naqshadeynta iyo ballaarinta dhismaha Dekedda iyo waxa hortaagan dib u howlgelinta shirkaddii Howlaha Maraakiibta.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Yusuuf Macalin Amiin (Baadiyoow) oo Xildhibaannada uga jawaabay su’aallaha ay weeydiiyeen ayaa xusay in dekedda magaalada Muqdisho ay ka shaqeeyaan shaqaalle gaaraya 7,200 kuwaasi oo 6,600 ka mid ah ay yihiin muruqmaal ama xoogsato, waxaana uu Baarlamaanka ka hor cadeeyey inaysan shirkadda Turkiga ah haba yaraatee ka shaqeyn dekedda oo aanay lagu wareejin maamulkeeda.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo isagu shir guddoominayey kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa gebegebadii tilmaamay iney soo gebageboobeen su’aallihii ay Xildhibaannada Baarlamaanku weeydiinayeen Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, waxaana uu Wasiirka uga mahad celiyey sida uu ugasoo jawaabay u yeerista Baarlamaanka.

Kulanka ay Xildhibaannada Baarlamaanka su’aallaha ku weeydiiyeen maanta Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa qeyb ka ah kulamo ay dhowaanahan Mudaneyaasha Baarlamaanku ugu yeeranayeen Wasiirrada Xukuumadda, waxaana sidan oo kale ay Xildhibaannada horey ugu yeereen xarunta Golaha Shacabka Wasiirrada Amniga iyo Arrimaha Gudaha oo ay xildhibaannadu uga jawaabay su’aallo laga weydiiyay amniga iyo magacaabista guddoomiyeyaasha gobollada dalka.

 

Radio Muqdisho