Wasiirka horumarinta haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo safar shaqo dib uga soo laabatay dalka Isutagga Iamaraadka Carabta ayaa faah faahin ka bixisay socdaalkii ay dalkaasi ku tegtay iyo waxyaabihii u qabsoomay.
Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo markii ay ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabatay ayaa ugu horeyn waxa ay tacsi ugu dirtay dadkii ku waxyeeloobay weerarkii fashilmay ee ay maleeshiyada Al-Shabaab ku soo qaadeen xarunta Golaha Shacabka, waxaana ay falkaasi ku tilmaamtay mid fuleynimo ah, iyadoo inta dhimatay Alle uga bariday in u Janada ka waraabiyo halka kuwa ku dhaawacmayna ay u rejeyso in uu Alle bogsiiyo.
“Waxaan casuumaad ka helay Suldan Cabdalla Bin Ciise oo aan kula kulmay Dubai oo aan ka wada hadalnay sidii loo ilaalin lahaa xaquuqda Haweenka iyo inay gacan ka geystaan qorshaha Wasaaraddu ay ku dooneyso in ay ku horumariso arrimaha haweenka” ayay tiri Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.
Socdaalka Wasiirka Wasaaradda Haweenka ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Wasaaraddu ugu jirto sidii Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay kaalmo uga geysan lahayd wax u qabashada Haweenka Soomaaliyeed.