Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xalay daah furay tartanka heesaha hirgalay kadib munaasabad lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Munaasibadda daahfurka Tartanka Heesaha Hirgelay ee dalkeenna, oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafinta ayna daadihinayaan hobollada Qaranka Waaberi, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay wasiirka Warfaafinta, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Wasiirka Arrimaha Dibedda, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta, Abwaaniin, Heesaa iyo dadweyne Soomaaliyeed.
Furitaanka munaasibadda Heesaha hirgelay, waxaa haddal kooban ka jeediyay Agaasimaha Warbaahinta Qaranka oo sharraxay hanaan socodka uu Tartarkan yeelan doono.
Guddoomiye ku xigeenka ururka dhallinyarada Qaranka ayaa si weyn ugu boggaadiyey wasiirka Warfaafinta abaabulka tartanka hirgalinta heesaha si fanaaniinta loogu soo saaro wasiirkuna uu ka soo baxay ballantii uu shacabka u qaaday.
Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Singub iyo Mulaxmiinste C/kariin Salaad Qaareey ayaa labaduba soo jeediyay in laga faa’ideysto tartarkan, waxa ayna mar kale uga mahadceliyeen wasaaradda Warfaafinta oo qaadatay fikirka dib u soo nooleynta Fanka iyo Barnaamijyadii wakaaladda Murtida iyo Madadaallada ee Tiyaatarka Qaranka.
Ugu dambeyntii wasiirka Warfafaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa munaasibadda soo gabagabeeyey, waxa uuna si weyn ugu mahadceliyey hobollada Qaranka Waaberi iyo xubnihii abaabulka ka qeyb-qaatay, isagoo intaa raaciyay in tartanka heesaha hirgalay uu abuuri doono shaqo iyo isdhexgal bulsho.
Qabashada tartanka heesaha hirgalay ee fanaaniinta qeybahooda kala duwan oo ay wasaaradda Warfaafinta qabaneyso, ayaa noqonaya kii ugu horreyeeyey ee wuxuu ka dambeeyay burburkii dalkeena, kaasi oo wakaaladda Murtada iyo Madadaallada ee Tiyaartanka lagu qaban jiray si loo soo saaro Fanaanniin cusub.
Radio Muqdisho