Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo odoyaal dhaqameed ayaa maanta ka qeyb galay xafladda caleema saarka boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo lagu qabtay magaalada Qardho, iyadoo xubnaha ka qeyb galay uu ka midyahay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Xafladaan ayaa ahayd mid ay sidoo kale ka qayb galeen Masuuliyiin ka socday Maamulka KMG ah ee Jubba, oday dhaqmeed ka socday Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, odoyaal dhaqameedyo ka tegay Bartamaha iyo Koonfurta dalka.
Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Boqor Burhaan Boqor Muuse ugu hambalyeeyay Xilka Culus ee uu qaaday,isagoo Alle uga baryay in uu u fududeeyo.
‘’Waan kuu Hambalyaynayaa Boqo Burhaan mas’uuliyadda Culus ee aad maanta qaaday, markale waan kuugu Hambalyaynaynaa, ilaahay adigana hakugu xafido, waxaan rajaynaynaa inuu noqdo Boqorkii ugu howlkarsanaa, ugu daacadsanaa, uguna wanagsanaa, uguna cadaalada badnaa’’ ayuu yiri Dr Gaas.
Xafladan lagu Caleemasaarayay Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ahayd mid ay dhamaanba isugu yimaaden Soomaali oo idil, kuwaasi oo Puntland u yimid sidii ay uga qayb geli lahaayen munaasibadaasi balaaran.