Xiisad Colaadeed ayaa wali ka jirta Magaalada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo , ka dib markii Shalay halkaasi uu ka dhacay dagaal Khasaaro geeystay.
Wararka ayaa sheegaya in Saaka Xiisad Dagaal laga Dareemayo Magaalada Buula-xaawo ,ayadoona Dhinacyadii Dagaalamay ay is hor fadhiyaan.
Ugaas Max’ed Ugaas Xirsi oo ka mid ah Waxgaradka Baled-xaawo ayaa Warkii u sheegay in ay wali jirto Xiisada islamarkaana Saaka waabarigii Iska hor imaad kooban oo la bada Dhinac ah uu ka dhacay Kontoroolka Xiga Dhanka Magaalada Doolow.
Waxaa uu intaa ku daray Ugaas Max’ed in laga yaabo in Dagaal kale uu dib oga Qarxo Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo.
Wararka qaar ayaa sheegay in Ciidamadii Itoobiya ay iskaga baxeen Degmada Baled-xaawo kuwaas oo Shalay kala dhexgalay Ciidamada Maamulka Degmada Baled-xaawo iyo kuwo Gacansaar laleh Raas kambooni.
Wali lama saadaalin karo Xaalada Degmada.maadaama Xiisan Xoogan Saaka laga Dareemayo Magaalada Buulo-xaaw ee Gobolka Gedo.
Warkii