Xiisad ka taagan degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, kadib dagaal shalay ka dhacay

0
922

Kismayo20130608Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka taagan tahay degmadaas, iyadoo barakac badan uu ka socdo, markii shalay labo ciidan ay ku dagaalameen degmada.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan Ahlusuna Wal-jameeca oo gacanta ku hayay degmada Matabaan.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhintay ilaa saddex ruux, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana saraakiil ka tirsan Ahlusuna ay ku eedeeyeen dagaalka inuu ka dambeeyay markii Sarkaal horay uga tirsanaa oo ku biiray dowladda uu ka wado degmada qalalaaso iyo fowdo

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sarkaalka horay uga tirsanaa Ahlusuna iyo ciidamo uu wato ay ku sugan yihiin meel aan sidaa uga fogeyn degmada Matabaan, kuwaasoo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ah.

Haweeney ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegtay inay aad uga cabsi qabaan in dagaal uu mar kale ka qarxo degmada, waxaana socday barakac ay sameynayaan dadka deegaanka.

Labada dhinac ayaa la sheegay inay hub uruursi iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan wadaan, mana jirto ilaa iyo hada ma jirto waan waan ama dadaal lagu qaboojinayo xiisada ka taagan degmada Matabaan.

Jowhar