Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee u diray Madaxweynaha baaqa ah inuu is casilo ayaa sheegay in hadii uu aqbali waayo ay qaadan doonaan go’aan rasmi ah.
Xildhibaan C/samad oo ka mid ahaa xildhibaano ka badan boqol oo shalay shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in go’aankooda uu yahay mid dastuuri ah oo ka dhaxeeya Baarlamaanka.
“Madaxweynuhu hadii uu aqbali waayo dalabka ama baaqa aan u dirnay, waxaa ka qaadan doonaa go’aan rasmi ah, go’aankeena wuxuu yahay mid ka dhaxeeya Xildhibaanada oo dhan”ayuu yiri Xildhibaan C/samad.
Waxaa uu sheegay in hadafkooda yahay inay dalka ka ilaaliyaan qalalaaso iyo jahwareer siyaasadeed ka dhaca, waxaana uu tilmaamay in Xildhibaanada ay xalka ku raadin doonaan gudashada waajibaadka dastuuriga ah sida uu yiri.
Inkastoo Madaxweynaha Soomaaliya uu dalka ka maqan yahay, hadana ma jirto ilaa iyo hada jawaab uu ka bixiyay bayaanka Xildhibaanada ka soo saareen shirkooda shalay, waxaana la filayaa in Madaxweynuhu ka hadlo marka uu dalka dib ugu soo laabto.
Waa markii u horeysay ee culeys siyaasadeed oo xoog leh uga yimaado Madaxweyne Xasan Sheekh gudaha dalka, tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimada dhamaadkii sanadkii 2012, waxaana la ogeyn saameynta ay yeelan doonto kacdoonka cusub ee ka bilaabmay Baarlamaanka dhexdiisa.
Jowhar