Xilli shalay xubno ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ay Mooshin ka keeneen Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa hadana Xildhibaanada Baarlamaanka kadib Mooshinkaasi ka dhanka ah Wasiirka arrimaha Gudaha waxa ay ku kala aragti duwan yihiin Mooshinkaasi.
Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo cadadooda ay gaareyso illaa 65 Mudane oo iyagu Mooshin ka keenayay Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ka dalbaday Guddoomiyaha Baarlamaanka in Wasiirka Arrimaha Gudaha xilkiisa dib u eegis lagu sameeyo.
Sidoo kale Xildhibaanno kale oo Baarlamaanka ka tirsan ayaa qaba in Wasiirka arrimaha Gudaha iyo arrimaha Federaalka dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre fursad loo siyo howshiisa aanna lagu deg degin xil ka qaadistiisa Maadaama sida ay sheegeen muddo kooban uu xilkaasi hayo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka Mr C/llaahi Goodax Barre oo dhawaan hortagay Baarlamaanka ayaa inta badan Xildhibaanadu aanu ku qancin jawaabaha uu ka bixiyay su’aalaha ay ka weydiiyeen howlaha Wasaaraddiisa.
Shabelle